La xariirida familada

Dad badan oo deenish ah ayaa booqda qoys qaxoonti ah oo ka mid noqda shabakada ay qaxoontigu aad ugu baahan yihiin nolol maalmeedkooda. Si wada jir ah, qofka xiriirka la leh iyo qoyska ayaa ku balama inta ay rabaan in ay wada joogaan. LINK-ku waxa uu gacan ka geystaa wada farxsanaanta labada dhinacba. Waayo-aragnimadu waa in deenishka cusub iyo kuwii horeba ay wax badan ka helaan labada dhinac.

Qoysas badan oo qaxooti ah ayaa  raba inay yeeshaan xiriir qoys ka Danish ah. Waa in uu ahaado qoys doonaya in ay soo booqdaan iyo in qaxootiga ay sidoo kale booqan karaan. Waad wada cuni kartaan, wada raaxaysan kartaan, sidoo kale waxaad yeelan kartaan hawlo wadajir ah. LINK waxa ay taageersan yihiin haddii ay suurtagal tahay, in qoysasku ay wada bixi karaan dalxiisyo. Qoxootiga badankooda waxa ugu muhiimsan waa in xidhiidhka qoyska Danishka uu suurtageliyo ku dhaqanka luqadda Danishka.

Marka qoyska Danishka isku diiwaan geliyo sida qoys xiriir ah, LINK waxay ku dadaalaysaa inay la mid noqoto qoyska qaxootiga ah ee laga yaabo inay leeyihiin carruur isku da' ah oo laga yaabo inay wadaagaan danaha xilliga firaaqada. Booqashada ugu horeysa, xubin LINK ah oo khibrad dheer u leh qoysaska xiriirka ayaa ka qayb galaya.

Ma doonaysaa inaad noqoto qoys xidhiidhsan? U dir email link.sammen@gmail.com, halkaas oo aad wax yar uga sheegto naftaada.